Khartum(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Dawladda Sudan Cumar Xasan Al-Bashir,ayaa ka baaday ka qayb galka shirka Madaxda dunida Muslimka iyo Maraykanka oo lagu qabanayo dalka Boqortooyda Sucuudiga,waxaanay dawladda Sudan ku sheegtay in uu uga baaqday Al-Bashir shirka Riyad si uu culayska uga yareeyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo buuq badani uu dalkiisa kaga furan yahay
Wasiirka warfaafinta Ahmed Bilal ayaa sheegay in Khartoum ay garowsan tahay in dacwadaha ay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada kusoo oogtay Bashir, ay adkaynayaan inuu la kulmo Trump.
Bilal ayaa sheegay in la kulanka Bashir ay dhibaato u keeni karto Trump oo la filayo inuu go’aan ka gaadho in gebi ahaanba la qaado cunaqabateynta dhaqaale ee Mareykanka uu saaray Sudan sanadkii 1997-kii.
“Haddii Trump uu la kulmo Bashir waxay saari doontaa cadaadis, waxayna taasi fursad u noqon doontaa mucaaradka diidan in cunaqabateynta laga qaado Sudan” ayuu ydhii Bilal.
Bashir ayaa waxaa baadi goobaya maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee magaalada Hague ee ICC ayada oo lagu tuhmayo xasuuq iyo dambiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Darfur.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland