Xukuumadda Somaliland ayaa Faah-Faahin ka Bixisay Socdaalkii Weftiga Ruushka ahi Dalka ku Yimaadeen

0
341
Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xukuumadda Somaliland ayaa faah faahin ka bixisay socdaal ay dalka ku yimaadeen wefti ka socday dalka Ruushka oo uu hoggaaminayay safiir k-xigeenka dalka Ruushka u  fadhiya waddanka Jabuuti.
Socdaalka Weftiga Ruushka ah ayay Xukuumadda Somaliland ku sheegtay in uu yahay mid  u bilaabmay Somaliland iyo Ruushka isla markaana lagu soo celinayo xidhiidh soo jireen ahaa oo  muddo hore soo jiri jiray iyo in ay tahay fursad maal gashi oo Somaliland ay ka heli karto dalka Ruushka.
Iyadoo socdaalka safiirka Ruushku uu ku soo beegmay xilli ay Somaliland dekeda iyo Madaarka Berbera ay ku wareejisay shirkadda DPW iyo dalka Imaaraadka Carabta oo saldhig Millatari ka dhiganaya  Garoonka Diyaaradaha ee Berbera oo hore saldhig Millatai uu ugu ahaan jiray dawladdii Midawgii Sofiyti xilligii dawladdii la Soomaaliya ee Siyaad Barre intaanay Somaliland xorriyadeeda la soo noqon.
Haddaba halkan ka daawo sida ay Somaliland uga hadashay socdaalka madaxda Ruushka ee Somaliland booqashada ku yimi.