Wefti Ka Socda Dalka Ruushka Oo Booqasho ku Tegay Bekeda Berbera iyo Goobo kale oo Muhiim ah

0
349

Berbera(Xogsoormedia.com):- Wefti ka socda dawladda dalka Ruushka oo socdaal ku yimi Somaliland ayaa booqday dekeda Magaalo xeebeedka Berbera iyo goobo kale oo muhiim  ah oo ay ka degenaan jireen magaalada Berbera xilliyadii Midawgii Sofiyati iyo  dawladdii Siyaad Barre ay xidhiidhka lahaan jireen intaan Somaliland ka soo noqon madaxbannaanideeda.

Socdaalka Weftiga Ruushka ahi ay Somaliladn ku yimaadeen ayaa ku soo beegmay xilli maamulka Dekeda Berbera ay la wareegtay shirkadda DPW ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta isla markaana saldhig Millatari ay Somaliland ka siisay dalka Imaaraadka Carabta madaarka diyaaradaha ee magaalada Berbera oo uu hore saldhig Millatari ugu lahaan jiray dalka Ruushku.

Weftiga Ruushka ee Somaliland  yimi oo uu  hoggaaminayay safiir ku-xigeenka dalka Ruushka u fadhiya dalka Jabuuti,ayaa kulan la yeeshay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland intaanay socdaalka ku tegin Berbera.