maanso ka hadlaysa munaasibada18 may

0
360
Waxaa igu dhaliyay Maansadan in aan hogotusaalayn u sameeyo bulshadda aan ka tirsanahay, qodobadan soo soo socda waxaanay kala yihiin sidan :-
1- Markaan arkay siday bulshadu u moogantahay halgankii iyo waayihii qadhaadhaa ee la soo maray dalkan jsl
. 2- Markaan arkay bulshadu siday ula fududahay maantana in lageeyo Xamar mar labaad .
3- Markaan arkay in bulshada ay ku jiraan dad sifo qaldan u wada qaranimada aynu ku naaloonayno in badan
4- markaan arkay ilaa hadda in aanay bulshadu u bislayn qaranimada, dib-na aanay u eegin taariikhda dalka, kana dhexmaqan tahay arrintaasi iyo inay is-barbardhig ku sameeyaan waayihii hore iyo ta maanta .
5- markaan arkay inay meesha ka maqan tahay talo-wadaagii ka dhaxaysay bulshada iyo xukuumadda oo meesha ka maqan .
6- markaan arkay waayaha dhabta ah ee ka jira dalka iyo inuu ku sababi karo dhib qaranimadeenna curdinka ah waxyeeli karta.
Ka dib markaas ayaan go’aan saday maansadan, oo magaceeda la yidhaahdo (Waxaan badiyaa saliga sideed iyo tobanka May). Sidan ayaanay ku bilaabantay:
1-Waxaan ku suntanay waxqabad
2-Waxaan usurmiyay bulshadan
3-Waxaan usadqeeyay qaran sabadan soomaaliland
4-Waxaan soodhka uula baxay inaan gaadho samaan
5-Waxaan soorta uuga go’ay inaan saamigaygi lumay lasoo noqdo saadanbaba haddii kale waan silanayo
6-Waxaan badiyaa saliga sideed iyo tobanka may
7-Waxaan suuroobi karin sarkaal waan noqonayaa
8-Waxaan uga kacay salliga sidaynu wax u dhisnaa
9-Waxaan ku qoray sadriga samee sanca aan la arag
10-Waxaan necebahay safaad
11-Waxaan ka siqaa naxliga
12-Waxaan seeraa kalgacal
13-Waxaan eegaa samada
14-Waxaan saadaaliyaa siday waayuhu yihiin
15-Waxaan soohaa xadhkaha
16-Waxaan saldhig uga dhigaa sinaanta dadkayga idil
17-Waxaan seefta ula tagaa saboolka dadkayga dilay
18-Waxaan usugaa bulshada sarayn iyo magaca guud
19-Waxaan saaxiib la’ahay intii sama heena jecel
20-Waxaan sardhiyaa marqudha markay siraheena guud dhammaan suuqa wada galaan
21-Waxaan bulshadeena siman saylac , ilaa sool iyo sanaag waxaan samad uga baryaa sareedada rabbi balaqay.
22-Waxaan soo jeedin rabay dadyahaw saxa maanka guud
23-Dadyaw sixir bararka jira
24-Dadyaw sarifkeenan kacay
25-Dadyaw sayladeenan xidhan
26-Dadyaw surimadeenan go’an
27-Dadyaw soomal haadkan jira
28-Dadyaw sofdaran habawga
29-Dadyaw sixun udhaqaaqa
30-Dadyaw saran seerkan dhacay
31-Dadyaw sababahan qarsoon
32-Dadyaw sidan ay waxyiin ka saara sirtan dahsoon
33-Dadyaw soorteenan taal bakhaaradan samada maray haloo soo gado bulshada haddii kale waa sabool
. ___________________________________________ By : Maxamuud Cabdi Yuusuf (Tawakal) 063-4042101,063-3281759 . Email:Abdicase1@Outlook.Com