Condaleeze Rice oo ka Hadashay Ujeedaddii ay u Weerareen Ciraaq iyo Afganistan“Saddam Waxaanu u Ridnay Sababo Amni, laakiin Ma ahayn Fidinta Dimuqraadiyadda”

0
344

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda dalka Maraykanka ee Xukuumaddii George Bush Condoleezza Rice,ayaa sheegtay in sababtii ay u weerareen dalalka Ciraaq iyo Afganistan in aanay ahayn fidinta dimuquraadiyadda balse ay dagaalladaas ugu qaadeen dalalkaas in ay sugaan amniga Maraykanka.

Waxaa kale oo ay sheegtay in dalka Ciraaq ay u dheerayd intaas in ay aaminsanaayeen in uu haysto hubka halista ah ee wax gumaada ee Nukliyeerka.

Condoleezza Rice oo soo qabatay xilal waaweyn uguna caansan Xukuumadaha Maraykanka sida Wasiirka Arimaha Dibada iyo jagada La Taliyaha Amniga Qaranka ee Dalkaasi maraykanka ayaa haatan ka hadashay Duulaankii Ciraaq lagu qabsaday Sanadkii 2003, kaasoo ay ku qaadeen 40 dawladood oo is baahaystay oo uu horkacayey Dalkeedu

Mss Rice oo haatan bare jaamacadeed ka ah Stanford University waxa ay leedahay Riditaankii Dawladii Saddam Xuseen iyo Dawladii Dhaqdhaqaaqa Talipan ee Afghanistan waxay noo ahaayeen hawlgallo aanu u qaadnay adkaynta amniga Maraykanka iyo xulafadiisa, laakiin ma ahayn qorshe aanu caalamka ku gaadhsiinaynayo  oo aanu ku fidinaynay hannaanka Dimuqraadiyada, waxana iyada oo arintaa kaga hadlaysay mac-hadka Brookings ee Dalka Maraykanka maalintii  sabti ahayd  ay  tidhi.

“ Marnaba qorshayaasha George Bush kuma jirin inuu Dimuqraadiyadda ku fidiyo qoriga caaradiisa, mana ahayn waxii ciraaq ka dhacay 2003 iyo hawlgaladayadii Afghanistan ee 2001 kuwo lagu balaadhinayey Dimuqraadiyada Caalamka, laakiin waxay ahaayeen kuwo dhanka amniga ah, iyadoo ay ciraaq u sii dheerayd anagoo aaminsanayn inay haysato hubka wax baabi’iya,saddam na waxaanu u ridnay sababo amni laakiin ma ahayn fidinta dimuquraadiyadda.”

Hadalka Condoleezza Rice,ayaa noqonaya markii ugu horraysay ee ay si cad uga hadasho ujeedadii ay u weerareen Maraykanka iyo Xuluufadisu Ciraaq iyo Afganistan ee ay ku rideen Xukuumaddii Saddam Xuseen iyo Maamulkii Daliban ee Afganistan.

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland