Weerarka Dhanka Internetka ah oo Lagu Qaaday In ka Badan 100 Waddan iyo Cisbitaallo Ingiriiska Ku Yaalla oo Baajiyay Qalliimo Muhiim ah

0
328

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Weerarkii ugi waynaaa uguna balaadhnaa ee  lagu qaado caalamka ee dhanka Internet-ka ah ayaa saameeyay ugu yaraan bqol dal oo caalamka ka mid ah kuwaasoo  u badan qaarada Yurub.

Weerarkan oo lagu qaaday Kombiyuutarada dalal badan oo dunida ka mid ah ayaa la sheegay in uu saameeyay dalal iyo shirkado ganacsi iyo hay,dawo dawladeed oo tiro badan oo ku kala yaalla caalamka waxaana ugu qasaare badan sida ay warbaahinta caalamku ku warantay dalka Ruusshka iyo Ingiiiska oo ay saamaynta ugu wayn ku yeelatay.

Dalka Ingiriiska oo weerarka dhanka Internetka lagaga qaaday lagu bartilmaameedsaday waaxda caafimaadka qaran ee dalka Ingiriiska ayaa la sheegay in ay sababtay in cisbitaallo badani  in ay shaqada joojiyaan isla markaana ay baajiyaan qalliimo muhim ah oo ay gali lahaayeen dhakhaatiirtu ka dib markii ay waayeen faylashii bukaanka la qali lahaa oo ka mid noqday macluumaadka la jabsaday.

Weerarka dhanka internetka oo la rumeysan yahay in loo isticmaalay qalab laga soo xaday Hay’adda Ammaanka Qaran ee Mareykanka ee NSA ayaa waxaa lagu qaaday hay’ado ku kala yaalla  daafaha dunida.

Shirkadda Avast ee ka shaqeysa ammaanka internet-ka ayaa sheegtay in ay aragtay 75,000 oo kiis oo ah waxa loo yaqaan WannaCry oo lagu doonayo madaxfurasho oo ka dhacay caalamka oo dhan.

Waxaa jira warar sheegaya in weerarkani  in uu saameeyay 99 dal oo ay ka mid yihiin Ruushka iyo Shiinaha.

Meelaha sida weyn uu u saameeyay weerarku waxaa ka mid ah hay’adda Addeegga Qaran ee Caafimaad ee England iyo Scotland.

BBC-da ayaa waxa ay fahansan tahay in ku dhawaad 40 hay’adood oo hoos taga barnaamijka Addeegga Qaran ee Caafimaad iyo Cisbitaalada qaar ay arrintani saameysay, iyadoo la baajiyay ballamo iyo howlgallo la fulin lahaa.

Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan in weerarku uu saameyay dalal badan oo Yurub ah.

Dhowr shirkadood oo waaweyn oo Spanish ah ayaa iyana la weeraray, oo wararku  ay sheegayaan in shaqaalaha shirkadahaasi loo sheegay inay kumbuyuutarrada damiyaan.

Shirkado waaweyn oo laga leeyahay dalalka Portugal, Sweden iyo Ruushka ayaa sidoo kale waxaa saameeyay weerarkan dhanka internet-ka ah.

Dadka ayaa barta Twitterka soo dhigayay sawirro muujinaya kumbuyuutarro weerarku uu saameeyay oo ay ka mid yihiin shirkad maxali ah oo iibisa tigidhada tareenada oo ku taalla dalka Jarmalka iyo jaamacad ku taalla waddanka Talyaaniga.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in Ruushka ay haleeshay saameyntii ugu ballaadhneyd ee hal dal soo gaadha.

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Somaliand