Masuul 7 Sano Xil Ka Hayay Xisbiga KULMIYE oo Is-casilay Musharax Muuse Biixi-na Farriin u Diray

0
309

Berbera(Xogsoormedia.com):- Masull a mid ah madaxda Xisbiga KULMIYE oo  muddo 7 Sano ah xil ka soo hayay Xisbiga,ayaa isla casilay isla markaana farriin u diray Guddoomiyaha Xisbiga ahna Musharaxa jagada Madaxweyne ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Masuulkan oo 7 sano soo hayay Xilka Xoghayaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Saaxil,ayaa intaa ku daray in dhaliilo badani ay ka jiraan gobolka Saaxil oo la xidhiidha hannaanka Xisbigu gobolka oga hawl galo isla markaana loo baahan yahay in guddoomiyuhu uu wax ka qabto.

Waxaanu intaa ku daray in uu isu casilay in uu shaqooyinkiisa gaarka ah u madaxbannaanaado isla  markaana aanay jirin cid dabada ka riixaysa iyo meel uu u digo rogtay midna waxaase uu intaa raaciyay in 6-dii. bilood ee u dambeeyayba aanu xisbiga wax shaqo ah u qaban isla markaana uu filayay in xilka laga qaado laakiin markii laga qaadi waayay uu go,aansaday in ii usagu is casilo.

Haddaba halkan ka daawo.