Booliska Muqdisho oo  Sheegay in ay Sharciga Hor Keenayaan Gacan Ku Dhiiglihii Dilay Agaasimihii Maxkamadda Sare  ee  Soomaaliya

0
298

Muqdisho (Xogsoormedia.com):-Booliska caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,ayaa sheegay in ay sida ugu deg degga badan sharciga u hor gayn doonaan Gacan ku dhiiglihii dilay Agaasimihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya.

Afhayeenk ciidamada Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble,oo warbaahinta   la hadlay ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen isla markaana hawl gallo ay ciidanka boolisku ay sameeyeen ku soo qabteen gacan ku dhiiglihii dilay Agaasimihii maamulka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya  Marxuum Mursal Cumar Cismaan oo uu dilay sida ay boolisku xaqiijiyeen Faarax Cali Nuur Xayle ,waxaaanu afhayeenku intaa ku daray in sharciga la hor keeni doono lana soo taagi doono Maxkamad Caddaalad ah.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Iskaashi ay sameeyen ciidanka Booliska kadib, waxaa ay gacanta ku soo dhigeen Faarax Cali Nuur Xeyle, oo dilay Agaasimihii Maxkamadda Sare ee dalka, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaana cadaaladda loo horgeyn doonaa”,

Afhayeenka Booliska, ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu saxaafadda kula hadlayay magaaladda Muqdishu ee caasimada dalka Soomaaliya.

Agaasimihii maamulka Maxkamadda sare ee dalka Marxuum Mursal Cumar Cismaan, ayaaMuqdisho lagu dilay   9-kii bishan,dilkiisuna waxaa uu xiisad ka dhex abuuray ehelada Marxuumka iyo xukuumadda ka  dib markii ehelada Marxuumku ay xukuumadda Soomaaliya ee Muqdisho ay ku eedeeyeen in dilka Agaasime Mursal uu ahaa mid siyaasadeed oo qorshaysan isla matkaana ay xukuumaddu ka dambaysay iyadoo ninka dilka geystayna la sheegay in uu ahaa sarkaal sare  oo ka tirsan laanta Socldaalka Soomaaliya isla markaana ahaa kantan dirawal u ah  taliyaha waaxda Socdaalka Soomaaliya

Marxuumka la dilay ayaa ka soo jeeday  Somaliland isla markaana ay eheladiisu aad uga cadhootay dilkiisa oo ay tilmaameen in uu ahaa mid xukuumaddu qorshaysay.

Waxaa kale oo dilka agaasimaha laba maalmood ka hor muqdisho lagu dilay Wasiirkii Hawlaha Guud oo ay dileen ciidankii ilaalada u ahaa tantidhawraha guud ee Soomaaliya iyadoo dilkaasna lagu eedeeyay in ay Xukuumaddu ku lug lahaynd gaar ahaan Hantidhawraha guud oo xilka lagaga qaaday dhacdada dulka Wasiirka Hawlaha Guud.

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland.

.