Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan ayaa isu jawaabay isla markaana wakhti yar oo kooban oo aan saacad gaadhin ku beeniyay hadal uu yidhi markii hore iskagana riixay in ay warbaahintu ka been abuurtay.
Xildhibaanka ayaa marka hore sheegay in askar badan oo ka tirsan ciidamadda Somaliland in ay u tageen isla markaana ay ka cabanayeen Xicir bararka waxaanu markaa hore baaq u diray Xukuumadda Somaliland oo uu ka dalbaday in wax laga qabto sicir bararka.
Laakiin daqiiado kooban ka dib ayuu warkiisa hore ee muuqaalka ah beeniyay oo uu dusha ka saaray warbaahinta kuna eedeeyay.
Haddaba waxay ahayd xildhibaanku intaanu warbaahinta eedayn in uu isagu is dhegaysto. imikana u furan in uu is dhegaystaaye dib ha isu eego bal in laha sameeyay iyo in uu isagu isu jawaabay