Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Hooyo Amran oo ah Hooyada dhashay carruurtii uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland ALLE ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale oo ka mid ahaa shqsiyaadkii dhidibada u taagay dib u dhiska qaranka Somaliland isla markaana aasaaska u dhigay hirgalinta lacagta shillinka Somaliland muddo dheerna soo ahaa Guddoomiyaha Baanka Somaliland lana soo shaqeeyayXukuumadihii kala dambeeyay ee Marxuum Cigaal ALLE ha u naxariistee iyo Madaxweyne Rayaale.
Ayaa sheegaty in ciidanka booliska Somaliland ay amar ku siiyeen in ay gurigay agoontu ku jirto ay kaga baxaan ugu badnaan 3 cishi taasoo ay sheegtay in qasab lagaga saxeexay markii dambe in ay 10 cishi kaga baxaan,waxaanay hooyadani intaa ku dartay in wax wax tar ah oo ay dawladda ka heshay aanay jirin isla markaana marxuumkii ka geeriyoodayna aanu uga tegin jago iyo guri kale oo ay u guuraan.
Waxaanay intaa ku dartay in qabiil ahaan loo eryanayo oo ay ka soo jeedo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya halka ay carabka ku adkaysay in ay reer Somaliland gaar ahaan beesha dhexe guryaha ku wada jirto oo aanay jirin cid laga saaray.
Haddaba halkan hoose ka daaw warkaas oo dhammaystiran