Mbarara(Xogsoormedia.com):- Allaah ha u naxariistee Fannaanaddii Soomaaliyeed ee caanka ahayd Sahra Mire Weheliye, ayaa ku geeriyooday magaalada Mbarara oo ku taalla Galbeedka waddanka Uganda oo ay Marxuumaddu degganayd.
Fannaanadda Sahra Mire Weheliye, ayaa shalay ku geeriyootay magaaladaas Mbarara ee ay degganayd, waxaanay Allaah ha u naxariistee Marxuumad Sahra Mire ka mid ahayd Fannaaniinta Soomaaliyeed, waxaanay ka tirsanayd Fannaaniintii Onkod ee Kooxdii Ciidankii Asluubta ee dowladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya.
Sahra Mire Weheliye, waxay Qaxootii ku ahayd dhawrkii sano ee u dambeeyey dalka Ugandha oo ay shalay ku geeriyootay. Allaah ha u naxariistee waxay ka mid ahayd Fannaaniinta Codka Macaan ee Soomaaliyeed, gaar ahaan Fannaaniintii dhexe ee Caanka ka noqday geyiga Soomaalida.
Fannaaniin iyo Abwaannada Soomaaliyeed ee ay aqoonta dhawr isu lahaayeen oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inay ahayd Qof Shaqsiyad fiican Sahra Mire, waxaanay Tacsi u direen Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Bahda Fanka iyo guud ahaan Soomaalida in Allaah Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo, Marxuumaddana Naxariistiisa Janno ka waraabiyo.
Waxaa ka mid ahaa Heesaha ay Fannaanaddi qaadi jirtay; ‘Heesta Meel Kale meel kale, ama Anaa Qubay Jacaylkii Qofba siduu u yaqaanno, Heesta Caasi Waalid, Heesta Bidh-bidhiya oo ay la qaadi jirtay Allaah labadoodaba ha u naxariistee Fannaankii Muuse Ismaaciil Qalinle, Toos Ummad yahay’. Kuwaas iyo kuwo kale oo badan oo Jacayl, Waddani, Wacyigelin iyo Waayo kale-ba isugu jira ama ka hadlaya ayey Fannaannaddu ku luuqayn jirtay iyo weliba kuwo lammaane ah oo ay Fannaaniin kala duwan wada qaadeen.
Waxaana ka mid ahaa heesaha ay qaadday ALLE ha u naxariistee Marxuumad Sahra Mire Weheliye Heestan waddaniga ah
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland