Musharax Faysal Cali Waraabe oo Sheegay in uu Soo Dhisi Doono Xukuumad Aan Mucaarid Lahayn oo ka Kooban 3-da Xisbi Qaran Kana Hadlay Qorshe Siyaasadeedkiisa

0
394

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Musharaxa jagada Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe,ayaa sheegay in uu soo dhisi doono Xukuumad aan mucaarid lahayn oo ka kooban sadexda Xisbi qaran ee Somaliland isla markaana loo midoobi doono danta guud ee Somaliland.

Waxaanu intaa ku daray in haddii Xisbigiisu ku guulaysto talada hoggaaminta dalka oo loo doorto jagada Madaxweynaha Somaliland in  ayaa soo bandhigay barnaamijka siyaasadeed uu wax kaga qabanayo dalka hadii uu ku guulaysto doorashada.

 

Murashax Faysal Cali Waraabe waxaa kale oo uu  ka hadlay qorsheyaal uu  kor ugu qaadi doono wax soo saarka dalka oo ay ka mid yihiin Beeruhu,waxaa kale oo uu sheegay in uu sharci adag ka soo saari doono dhulka.

Waxaanu sidaa ku sheegay madal  uu ku soo bandhigayay qorshe siyaasadeedka xisbigiisu dalka ku hoggaamin doono haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxtooyada  oo u muddaysan in ay dalka ka qabsoonto dhamaadka sanadkan.

Ugu horayn murashax Faysal oo ka hadlaya barnaamijkiisa siyaasadeed ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu samaynaynaa dawlad loo wada dhan yahay oo anagu mucaarid dambe yeelan mayno, waxaanu doonaynaa inaanu sadexda xisbi ka samaynayo dawlad midnimo qaran ah, waxaana loo midoobayaa inaynu ictiraaf helno, inaynu dadkeena midayno iyo inaynu dalkeena horu mar u keeno.

Waxaanu doonaynaa inaanu tacliinta bilaash ka dhigno ilaa heer jaamacadeed, waxa kale oo aanu doonaynaa inaynaan ku tiirsanaan xoolaha oo kaliya balse aynu samayno meelo kale oo dhaqaale inaga soo galo oo aynu beenyada dirno, cadarka ugu qaalisan adduunka beenyada ayaa laga sameeyaa, beeraheena inaynu beerno ayaanu doonaynaa, Gabiley Iyo Boorama waa meelaha biyaha wabigu ku soo fataho waana dhul beereed.”

Murashax Faysal ayaa sheegay inay samayn doonaan sharciga dhulka oo haatan aan jirin waxaanu yidhi “Sharcigii dhulka ayaanu soo saaraynaa, waana la joojinayaa maayar dambe oo intuu meel xar xariiqo dadka ka iibiya, qolada nool imika ee tidhaahda mujaahidiin ayaanu nahay waxaan leeyahay waar mujaahidiintii way dhimatay.”

 

Murashax Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay xaalada dhaqaale ee dalka waxaanu yidhi “Markii ugu horaysay somaliland ayaan illaa maanta mushaharkii la bixin, waxaana dhacay in xoolihii istaageen, ganacsigeeni itoobiya gali jiray isbaaro ayaa laynoo dhigtay oo dadkii Tog Wajaale xoolahooda gayn jiray waa laga mamnuucay, halkii aynu laba doolar ka heli jiray dakhligeena maanta afartan santi ayeynu ka helnaa, lacagtii xawaaladaha oo iyaduna way yaraatay.”

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland