Doorashadii Faransiiska oo Lagu Kala Calaf Qaaday ‘Madaxweynaha Guulaystay iyo Madaxda Caalamka oo Ka Hadashay

0
326

Paris(Xogsoormedia.com):-  Doorashadii Madaxweynaha dalka Faransiiska ee maanta ay u dareereen dadweynaha dalkaasi ayaa lagu kala calaf qaaday oo lagu kala badiyay isla markaana Madaxweyne cusub u yeeshay dalka Faransiisku kaasoo madax badan oo caalamka ahina ay ka hadashay guusha Madaxweynaah cusub.

 Natiijada doorashada maanta ay u dareereen shacabka dalka Faransiiska ayaa noqotay in Macron uu noqday Madaxweynaha dalka Faransiiska.

Emmanuel Macron oo ah 39 jir ah tartamayna  tartamey isaga oo aan ka socon mid kamid ah Xisbiyada Faransiiska, siyaasadiisu tahay dhex-dhexaad bidix xigta ayaa ku guuleystey doorashadii Madaxweynaha Faransiiska. 

Macron ayaa helay codad gaadhaya 65%, halka haweeneydka ka socotey Xisbiga Midigta fog NF Marwo Marine Le Pen ay heshay 35%. Farqigaga u dhexeeya natiijada labada musharax ee ku tartamaayey xilka Madaxweynaha Faransiiska ayaa ah mid aad u weyn, waxaana natiijadani soo baxdey wax yar kadib markii la xidhey goobaha codbixinta markay saacadda Paris ahayd 20:00 iyada oo aan guddiga doorashadu weli ku dhawaaqin

Marine Le Pen ayaa markiiba si deg deg ah  u qiratey guuldarrada ay kala kulantay doorashada madaxweynaha Faransiiska ee ay u ordaysay , waxay khudbad kooban u jeedisey taageerayaasheeda waxaanay sheegtey inay Teleefan u dirtey Emmanuel Macron una tahniyeysey, khudbadeedi koobneyd ayey ku sheegtay in dadka Faransiisku doorteen Madaxweyne cusub, waxayna doorteen in aan wax isbeddel ahi dhicin ayey tidhi oo xaaladii hore lagu socdo.

Emmanuel Macron ayaa siyaasadda ku soo biirey saddex sano ka hor markaas oo Madaxweyne Hollande ka dhigey Wasiirka Dhaqaalaha, waxaanu  xilkaas iska casiley sanadkii hore si uu ugu tartamo xilka Madaxweynaha.

Dadka u soo baxay codbixinta ee Faransiiska ayaa ahaa kuwii ugu yaraa tan iyo sanadkii 2002 waxaana ka qayb qaadashadu ahayd 65,30%, dadka xaqa u leh in ay codeeyaan ee ku dhaqan dalka Faransiiska oo dhan  47 Milyan.

Emmanuel Macron ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da yaraa abid ee dalka Faransiisku yeeshu.      

Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Markel ayaa  Guusha madaxweynaha cusub ee faransiiska ku tilmaanta guul u soo hoyatay Yurub oo dhan waxaanay noqotay hoggaamiyihii ugu hor hambalyeeyay

 hambalyo u dirtey Macron waxaana ay sheegtey in tani tahay guul u soo hoyatey Midowga Yurub oo dhan. Jarmalka ayaa bisha Sebteembar gelaya doorasho, haddii Xisbiyada midigta fog ay guul ka gaadhi waayaan doorashadaas ayey macnaheedu tahay dalalka Austria, Holland, France iyo Germany in ay diideen Xisbiyada midigta fog.

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland