“Shaqo Ninkii Bilaabaybaa Iska Leh Calina Shaqo Socota ayuu Yimi oo uu Halkii ka Sii Waday.” Guddoomiyihi Hore ee Hay’adda Waddooyinka oo Xilka Qaadistiisa Ka Hadlay

0
356

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyihii hore ee Hay’adda Waddooyinka Somaliland Xasan Cali Cismaan,ayaa ka hadlay xilka qaadista Madaxweynaha Somaliland maanta xilkii uu qaranka u hayay uu kaga qaaday,waxaanu tilmaamay in uu aad u soo dhawaynayo xilka qaadistiisa isla markaana xilku uu yahay meerto oo maalinka qof lagu eegayo.

Waxaanu intaa ku daray in muddooyinkii u dambeeyayba uu jeclaan lahaa in uu shaqada ka fadhiisto laakiin go,aan uu gaadhi kari waayay Madaxweynuhu u gaadhay taana aadbuu u soo dhaweeyay.

Waxaa kale oo uu ka hadlay xidhiidhkii isaga iyo laba wasiir oo ay soo wada shaqeeyeen oo kala ah Wasiirka Hawlaha guud ee hadda Cali Maxamed Xasan iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Haddaba halkan ka daawo.