Ciidanka Booliska Gobolka Saraar oo Iska Hortaagay Taakulayn Gurmad oo uu Bukaan Jiifka Cisbitaalka Caynabo U Siday Hoggaamiye Xirsi

0
332

“Dadkii oo xannuunsanaya oo dhibaataysan ayaa loo diiday dawooyinkii aanu u sidnay.” Hoggaamiye Xirsi Cali

Caynaba(Xogsoormedia.com):- ciidanka Booliska gobolka Saraar,ayaa iska hor taagay maanta in ay gaadhsiiyaan bukaan jiifka Cisbitaalka Caynaba  kaalmo raashin,dawooyin,cunto iyo biyo isugu jrta oo xisbiga WADDANI ugu talo galay in uu ku gargaaro dadka bukaan jiifka ah ee uu soo ritay cudurka Shuban Biyoodku oo uu waday hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Ciidanka booliska gobolka Saraar,ayaa si toos ah u diiday in dawada iyo kaalmada kale ee Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI uu siday la gaadhsiiyo dadka bukaanka ah waxaanu hoggaamiye Xirsi baaq u diray Xukuumadda iyo dadweynaha reer Somaliland gaar ahaan gobolka Saraar.

Waxaanu ka digay cawaaqib xumada ay arrintani yeelan karto in dad bukaan ah la iska hor taago kaalmo iyo gargaar ay u baahan yihiin.

Haddaba halkan ka daawo.hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo arrimahaa ka hadlaya iyo boolis hubaysan oo iska hortaagay in ay bukaanka gaadhsiiyaan gurkadta taakulada ah ee ay u sideen.

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland