Xisbiga KULMIYE oo Ka Hadlay Socdaalka Muuse Biixi ee Itoobiya iyo Kulan la Sheegay inuu La Yeeshay Madaxweyne Farmaajo

0
421

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE,ayaa ka hadlay socdaal musharaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE ahna Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi  socdaal uu ku tegay magaalada Addis-ababa ee Dalka Itoobiya xilli uu caasimadda dalkaas ku sugnaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Socdaalka Musharax Muuse Biixi,ayaa waxaa ka soo baxay warar sheegayay in uu Addis-ababa u tegay in uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ku sugnaa dalkaas.

Laakiin markii wararkaasi ay soo bexeen waxaa ka hadlay hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE oo sheegay in warkaasi uu been yahay isla markaana uu yahay wararkii suuqa oo aanay ka hadlayn.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige(Jaamac Shabeel) oo warbaahintu wax ka waydiisay socdaalka Guddoomiye Muuse Biixi iyo wararka sheegaya in uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa  sheegay in socdaalka Guddoomiyuhu uu ahaa mid shaqsi ah oo u gaar ah isla markaana aanu mid shaqo ahayn,waxaa kale oo uu meesha ka saaray in uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya.

Haddaba halkan hoose ka daawo.