Wasiir Cabbaas Maanta Aas Qaran Lagu Sagootiyay iyo Raysal-wasaare Khayre oo Ballan Qaaday in Caddaaladda La Hor Keeni Doono Gacan ku Dhiigleyaashi Wasiirka Dilay

0
357

Muqdisho (Xogsoormedia): –waxaa maanta magaalada Muqdisho aas qaran lagu sagootiyay ALLE ha u naxariistee  wasiirkii hore ee Hawlaha Guud ee Soomaaliya oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho Cabbaas Sheekh Cabdullaahi Siraaji

Waxaa aaska marxuumka ka qeyb-gallay Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, ku-xigeenka Raysal-wasaaraha guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka,, inta badan xubnaha golaha wasiiradda xildhibaanno, ehelada marxuumka iyo dad kale oo ay asxaab ahaayeen.

Marxuumka ayaa waxaa salaada Janaasada lagaga tukaday masjid ku yaalla madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay salaada madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda kale ee Qaranka, kadib waxaa loo qaaday qabuuraha  ku yaalla Cisbitaalka  Madiina, halkaasi oo lagu aasay.

Raysal- wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo goobta ka hadlay ayaa Alle uga baryay marxuumka in uu jannadii ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu ka tegayna uu samir iyo Iimaan ka siiyo, waxaanu  sheegay in cadaalada la horkeeni doono raggii falkan ka dambeeyay.

Wasiirka ayaa ahaa nin dhallinyaro ah oo dhawaan uun ku soo biiray siyaasada, waxaanu ka mid ahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee wax ku soo bartay xeryaha Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland