Baton Rouge (Xogsoormedia.com):-Dawladda Maraykanka,ayaa sheegtay in aan maxkamad la soo taagi doonin laba askari oo boolis ah oo toogasho ku dilay nin madaw ah ,toogashadaas oo dhacday dabayaaqadii xukummaddii Madaxweyne Obama.
Waaxda cadaaladda ee dalka Maraykanka ayaa go’aansatay in aan dacwad ku soo oogin laba askari oo caddaan ah oo toogasho ku dilay nin madaw ah oo ku sugnaa gobolka Louisiana xagaagii hore.
Muuqaal laga duubay dhacdada ayaa muujiyay labada askari oo dhulka ku nabaya ka hor intaanay rasaas ku furin, arrintaas ayaa sababtay muddaharaadyo todobaadyo socday oo ka dhacay Baton Rouge.
Warka ku saabsan go’aankan ayaa loo dusiyay warbaahinta Maraykanka ka hor intii aan lagu wargalinin duqa magaalada iyo qoyska Sterling
Dadka ayaa markiiba billaabay inay ku soo aruuraan bannaanka dukaankii uu dilku ka dhacay.
Kulan duco ah ayaa la qabanqaabiyay Salaasadii , dad aan badnayn ayaana isugu yimid meel u dhaw xarunta booliiska ee ugu wayn magaalada.
Baadhitaan ayaa la billaabay wax yar ka dib markii 37 jirkan lagu dilay dukaan uu wax ka iibsanayay .
Toogashooyin ay booliisku u gaysteen dad Madaw oo Maraykan ah ayaa wakhtigaas dhalisay dood ku saabsan adeegsiga awoodda ee booliiska.
Go’aanka faderaalka ee la xidhiidha in aan maxkmad la soo taagin labada askari ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay maamulka la wareegeen xukuumad cusub iyo Jeff Sessions oo isna ah xeer ilaaliye guud oo cusub.
Laakiin arrintaasi kama dhigna in gobolka Louisiana aanu xukun fulin ah ka gaadhi karin
Xigasho BBC
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland