Muqdisho(Xogsoormedia.com) :-Cabbaas Cabdillahi Siraaji,oo ahaa Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya ayaa caawa goor dhawayd toogadho lagu dilay gudaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Toogashada Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya lagu dilay,ayaa ka dhacday agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ka dib markii uu dagaal dhex maray ilaaladiisa iyo koox dablay ah oo hubaysan. ayaa caawa lagu toogtay nawaaxiga madaxtooyadda ee Soomaaliya.
Marxuum Cabaas Siraaji, oo ahaa wasiirkii ugu da,da yaraa ee ka mid noqda Xukuumaddihii Soomaaliya eek ala dambeeyay ayaa noqonaya wasiirkii ugu horreeyay ee laga dilay Xukuumadda uu Raysal-wasaare Xasan Cali Khayre soo dhisay.
Marxuum Cabbaas Siraaj ayaa ka mid ahaa Baarlamaanka dowladda Federaalka, waxaana laga soo doortay deegaannadda Jubaland.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Injineer Cabdiraxmaan Yariisow ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku xaqiijiyey geerida Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya cawa.
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland