Cadaado(Xogsoormedia.com):- Maamul goboleedka Soomaaliya Galmudug,ayaa maanta doortay Madaxweyne cusub Baarlamaanka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa goor dhawayd doortay madaxweynaha maamulkaasi.
Wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada madaxtinimada maamulkaasi ayaa waxa iskugu soo hadhay murashixiinta kala ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Axmed Cali Hilowle, kuwaas oo baarlamaanka u kala codeeyey.
Murashax Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku guulaysatay madaxtinimada maamulkaasi, ka dib markii u helay codad gaadhaya 54 halka murashaxii la tartamayeyna uu helay codad dhan 34, waxaana ay xildhibaanada maamulkaasi ku doorteen madaxweynihii labaad ee soo mara Galmudug.
Dhinaca kale waxa doorashadan goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socda dawlada federaalka ah ee Somaliya kuwaas oo uu hogaaminayey wasiirka arimaha gudaha iyo xubno kale oo wehelinayey
Xogsoormedia.com
abafgaab@hormail.com
Hargeisa Somaliland