“Nin Hadduu Tabcado Qambool Quulle iyo Jeerin. Illayn Quwaaxiyo uma Baxaan Qare iyo Saytuun.” Guddoomiye Ramaax oo ka Hadlay isku Shaandhayn Lagu Sameeyay saraakiisha Booliska

0
1122

Burco(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax,ayaa ka hadlay isku shaandhayn dhawaaan lagu sameeyay madaxda qaybaha gobolada dalka ee booliska qaarkood  isku shaandhayn lagu sameeyay waxaanu  farriin u diray taliska guud ee booliska Somaliland oo uu u soo jeediyay in  ciidanka booliska madaxdooda lagu qiimeeyo shaqadooda iyo hawlkarnimadooda iyo ciidannimadooda iyo shaqsiyadda qofka.

Waxaa kale oo uu ka digay in ciidanka booliska sifo ciidannimada ka baxsan in lagu qiimeeyo isla markaana lagu keeno shaqsi jacayl iyo isfo qabiil oo uu tilmaamay in ay taasi wiiqayso tayada wanaagsan ee ciidanka booliska iyo in ay sii wadan karaan shaqada ay ummadda u hayaan.

“Kollay marka uu isbedel yimaaddo niyad jab ayaa yimaadda waxaa  jira saraakiil badan oo laga jeclaa gobolka oo maanta ka tagtaybaa jirta saraakiil kale oo laga necbaa oo iska joogta ayaa jirta.”

Guddoomiyaha gobolka Togdheer,ayaa intaa ku daray farriin uu u diray madaxda sare ee Taliska guud ee ciidanka Booliska oo uu u soo jeediyay in ay dib u eegaan tallaabooyinka isku shaandhaynta ah ee ay ku samaynayaan  madaxda booliska ee qaybaha iyo saldhigyada.

 

Waxaanu Taliyaha guud ee ciidanka booliska sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan talo ahaan ugu soo jeediyay oo uu  farriin ahaan ugu diray tuduc ka mid ah gabay uu  muddo hore tiriyay ALLE ha u naxariistee Abwaan Cabdiraxmaan Maxamed  (Lugooyo) waxaanu yidhi.

Nin Hadduu Tabcado Qambool.

Quulle  iyo Jeerin.

Illayn  Quwaaxiyo uma baxaan

Qare iyo Saytuun.”

 

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray .”Ciidanku noqon maayo ciidan haddii aan ciidannimo lagu qiimayn oo lagu qiimeeyo Inan shaqo lala doonayo iyo reer hebelnimo waxay keenaysaa in ciidanku baa,ba o dalkana waynu wada leenahay qaladnaka waa la isu sheegaya,markaa madaxda booliska waxaan leeyahay qofka saqsiyaddiisa iyo aqoontiisa boolisnimo iyo kartidiisa ha lagu qiimeeyo oo hoos ha loo eego marka is bedel la samaynayo hana noqdo is bedelku mid aqoon iyo karti iyo khibrad lagu helo dallacaadda iyo xilkuba.”

Haddaba halkan ka daawo Guddoomiye Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo maanta ka hadlayay munaasibad uu xilka ugu kala wareejinayay Taliyaha qaybta booliska gobolka Togdheer loo soo magacaabay iyo taliye qaybeedkii hore.

 

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland