Hargeysa (Xogsoormedia.com)- Madaxda Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa maanta si adag uga hadlay falal boolisku kula kaceen maanta oo ay u adeegsadeen rasaas nool iska markaana qori dabadii ay ku dhaawaceen masuuliyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI.
Masuulyiinta sar sare ee xisbiga Waddani ayaa waxaa ay si adag uga hadleen Madax ka tirsan xisbigooda uu ay ciidamada Boolisku u geysteen xadhig iyo jidh dil
Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Waddani Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka booliska ay xabsiga dhigeen isamarkaana jidh dil u gaysteen masuuliyin ka tirsan Xisbigooda
“Ciidanku waxa ay nagu rideen rasaas badan , qori dabadii ay la dhaceen hoggaankii xisbiga , xoghayayaashii iyo xubnihii xisbiag oo dhan , rag qaar ayaa dhawaac ah oo dhakhtarka la dhigay qaarna waa la xidhxidhay “ ayuu yidhi
Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan hoggaanka sar sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa si adag uga hadlay falkii maanta ka hor dhacay Maxkamadda hargeysa waxaana uu yidhi ,
“ Waxaanu debadda ugu soo baxnay ciidan dagaal loo diyaariyey , ciidankeenu waa kaas wax un dhegta loo saarayo ee warar qaada la odhanaayo ee meel ay ku socdaan iyo meel ay ka socdaan toona la garanayn, Wax ay Maanta taagan tahay halkii laga dagaalamay , cadaalada darrada jirta waxa gelaysaa guri kasta eek a dhiidhiya shacabow”
Haddaba halkan ka daawo shirka jaraa,id ee masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ay maanta kaga hadleen falalka boolisku kula kacay.
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland