Daawo Taliska Booliska Somaliland oo ka Hadlay Masuuliyiin ka Tirsan Xisbiga WADDANI oo Maanta Ciidanku Xidhay

0
469

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland,ayaa caawa ka hadlay Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ay maanta ciidanka boolisku xidheen.

Waxaanay taliska Boolisku ku eedeeyeen masuuliyiinta WADDANI ay ka xidheen in ay ku hayaan hanjabaad qiraal ah oo masuulka la xidhay ay sheegeen in uu kula kacay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska.

Waxaa kale oo taliska Boolisku ay sheegeen rasaas maanta ciidanku kor u riday in ay sababeen taageerayaal ka tirsan xisbiga WADDANI oo ay sheegeen in ay ciidanka shiideen,laakiin waxaanay boolisku caddayn sababta ay awood ciidan  oo badan ay maanta u saareen maxkamadda Hargeysa oo  ay ka bilaabantay dhegaysiga dacwad loo haysto masuuliyiin ka tirsa Xisbiga WADDANI oo maalmihiii u dambeeyay ku xidhnaa magaalada Hargeysa.

Haddaba halkan ka daawo.