Ankara(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan,ayaa qaabilay Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo socdaal rasmi ah ku tegay dalka Turkiga isaa iyo wefti uu hoggaaminayo.
Madaxweyne Erdogan ayaa si wayn u soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya waxaanay labada Madaxweyne Salaan Sharaf ka wada qaateen kooxda Muusigga ee Baanboyda oo tumayay astaanta heesaha calamada labada dal.
Kulanka labada Madaxweyne oo ahaa mid khaas ah oo ay warbaahintu dibeda ka joogtay ayaa la sheegay in ay kaga wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo sidoo Turkigu gacan uga gaysan lahaa gurmadka dadka Soomaaliya ee abaartu ku habsatay
Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan wada hadalo laba geesood ah, oo Soomaaliya iyo Turkigu ay heshiisyo wax wada qabsi ah ku saxeexan doonaan Ankara.
Socdaalka madaxweyne Farmaajo ee Turkiga ayaa noqonaya kii u horreeyay ee uu ku tago dalkaas, tan iyo markii xilka madaxtinimada uu ku guuleystay horaantii bishii February ee sanadkan.
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com