Baydhabo (Xogsoormedia.com):- Maamul goboleedka Soomaaliya ee Koonfur galbeed,ayaa amar ka soo saaray xaasaska ku nool magaalooyinka ay maamulaan ee ay qabaan raga ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Taliska ciidanka koonfur galbeed ee xaruntiisu tahay magaalada Baydhabo caasimadda maamul goboleedka Koonfr galbeed,ayaa sheegay in aanay inta badan isa soo diiwaan gelinin saasaska ay qabaan raga ka tirsan kooxda Al-Shabaab waxaanay intaa ku dareen in maamulka kaliyi ka taliyo magaalada Baydhabo kaasina u yahay maamulka Koonfur galbed isla markaana loo baahan yahay in ay dadku u hoggaansamaan amarka ka soo baxa maamulka iyo taliska cioidanka.
‘’Baydbabo lama maamul kama jiraan, waxaa maamula maamulka Koonfur galbeed, hore ayaan ugu sheegnay xasaaska Al-Shabaab ee Baydhabo ku sugan in ay isa soo diiwaangaliyaan, tiro yar ayaa noo timid intoodii badneyd wali magaalada ayeey ku dhuumaaleysanayaan’’ ayuu yidhi taliyaha ciidamada booliiska maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.
Maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay in ay diiwaan galinayaan dhammaan xaasaska iyo caruurta magaalada Baydhabo a jooga raga kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jira maamulka Konfur galbeed iyo guud ahaan dawladda Soomaaliya.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland