Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xildhibaan Siciid Maxamed Libaax oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland,ayaa Xukuumadda talada haysa ee Somaliland ku eedeeyay in ay naafaysay Baanka dhexe ee Somaliland isla markaana ay taasi sababtay in u dalka ka dhaco sicir barar oo ay qiime beesho lacagta Shillinka Somaliland.
Waxaa kale oo uu sheegay in ay meesha ka baxday lacago adag oo dalka soo gali jiray kana kala iman jiray meelokala duwan oo dhawr ah oo ay ka mid yihiin xoolihii u dhoofi jiray dalka Sucuudiga oo la hakiyay iyo arrimo kale.