Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Xilkii ka Qaaday Xoghayihii Dawladda Hoose ee Hargeysa Masuul Cusubna u Magacaabay

0
397

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon),ayaa xilkii ka qaaday Xoghayihii dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa Mowliid Kayse Muxumed oo muddo kooban xilkan hayay waxaanu u magacaabay Cali Xasan Cawaalle oo ah sarkaal sare oo ka tirsanaa Wasaaradda Daakhiliga Somaliland.

Xilka qaadista xoghayaha Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa Mowliid Qaro, oo caawa la sheegay in ay ka so baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaan la sheegin sababta Xilka looga qaaday maadaama uu wakhti kooban xilkan hayay isla markaana muddadii yarayd ee uu joogay uu wax badan ka qabtay shqada dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa

 

Dhinaca kale Cali Xasan Cawaale oo ah nin dhallinyaro ah oo aqoon yahan ah, waxa uu muddo 18 sannadood ah ka soo shaqeynayay Wasaaradda Daakhiliga oo uu xilligan ka ahaa Agaasimaha waaxda Gobollada, Dhaqanka iyo Siyaasadda

 

 

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Ofice