Madaxwayne Siilaanyo Oo Mar Kale Go’aamiyey In Hakad La Galiyo Shaqaalaha Cusub Ee Dawlada iyo Saamaynta uu Ku Yeeshay Dadkii Hore u Soo Shaqayaynayay ee Barmalka Sanadkan Laga Dhigay

0
378

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa mar kale hakad galiyay guud ahaan shaqaalihii cusbaa ee sanadkan la qaadan lahaa xaaladda abaarta adag ee lagu jiro awgeed iyadoo uu hore Madaxweyne Siilaanyo hakad sadex bilood ah u galiyay in aan shaqaale cusb la qaadan bilawgii sanadkan sababo la xidhiidha duruufaha abaarta iyo la dagaalanka sicir bararka awgeed taasoo ku ekayd bishiii hore ee dhamaatay ee Marj.

Laakiin mar labaad ayuu Madxweynuhu hakad aan la muddayn uu galiyay in shaqaale cusub la qaato,taasoo saamayn ku yeelatay dad aad u badan oo muddo badan soo ahaa shaqaale dawladeed oo qaarkood 7 illaa 8 sano ay soo shaqaynayeen oo sanadba sanad u dhiibayay in ay noqdaan shaqaale rasmi ah laakiin sanadkan lagu daray liiska miisaaniyadda qaranka u shaqaalawday isla markaana gunnooyinkii ay ka qaadan jireen hay’daha iyo wasaaradaha kala duwan ee ay shaqaalaha ka ahaayeen loogu bedelay in ay shaqaale joogto ah yihiin oo ay musharkii dawladda helayaan laga bilaabo bishii  koobaad ee sanadkan, laakiin markii hakinta hore ee Madaxweynuhu ay soo baxday waxaa loo sheegay shaqaalahaas oo wasaarado iyo hay’ado kala duwan oo dalka ah u shaqeeya in sadex bilood  ka dib in ay musharkooda sadex biloodka ah helayaan,laakiin taasi waxay meesha ka baxday markii maanta uu mar labaad Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu hakad kale oo aan la muddayn uu galiyay in aan la qaadan karin wax shaqaale ah oo cusub.

Dadkii muddooyinka badan oo shaqaynayay ee sugaya in mushahar sadex bilood ahi in uu u soo socdo ayay taasi ku noqotay filan waa ka dib markii ay  Xukuumaddu kala saari wayday ciddii shaqaynaysay muddada badan ee sanadkan shaqaalawday  ee gunnooyinkii ay qaadan jireenna laga gooyay ka dib markii laga dhugay shaqaale joogto ah ee sugayay xuquuqdooda iyo dadka cusub ee la qaadanayo sida loo kala saarayo amma ay u kala qusayso hakinta Madaxweynuhu.

Waxaana dalka ka jira shaqaale kala duwan oo ka hawl gala laamo kala duwan oo dawladda ah oo aan sadex bilood mushahar iyo gunno midna qaadan oo sadex bilood sugayay hakinta maanta ee Madaxweynuhuna u sii raacday,laakiin waxaa xukuumadda looga fadhiyaa in ay kala saarto dadka cusub ee la shaqaalaynayo iyo dadkii soo shaqaynayay ee xuquuqda lahaa sanadaha badanna soo shaqaynayay siday u kala saari lahaayeen ee ay dadka shaqaynayay ay u heli lahaayeen Xuquuqdooda.

Haddaba halkan hoose ka daawo hakinta Madaxweyne Siilaanyo mar labaad galiyay qaadashada shaqaalaha cusub ee dawladda.