Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID,ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay go,aan ka soo baxay gudiga Diiwaan Galinta iyo ansixinta asxaabta aranka oo ay hore ugu gudbiyeen dacwad ka dhan ah xildhibaano ka tirsan goleyaasha deegaanka degmooyinka qaar oo ka soo baxay Xisbiga UCID oo sheegay in ay xisbiga ka bexeen,xildhibaanadaas oo ay ku jiraan Maayerada degmooyinka Berbera iyo Gabilay Cabdishakuur Ciddin iyo Maxamed-amiin.
Xisbiga UCID,ayaa sheegay in dacwaddii ay xildhinaanada geleyaasha deegaanka ee xisbigooda ku soo baxay kana diga rogtay dacwada ay ka keeneen in looga baqay in go’aan laga gaadho markii ay KULMIYE ku biireen xildhiaanadaasi.
Waxaa kale oo masuuliyiinta u hadlay Xisbiga UCID,ay intaa ku dareen in ay ka war sugayaan Maxkamada sare oo ay dacwada isu soo dhaafiyeen gudiga diiwaan galinta uruirada iyo ansixinta asxaabta qaranka oo sheegay in aanay dacwadan ka garnaqi karin isla markaana aanay qusayn balse ay u taallo Maxkamada Sare.
Waxaa kale oo ay masuuliyiinta UCID Booliska ku eedeeyeen in ay sifo sharci darro ah u xidheen walina u xidhan yihiin laba masuul oo ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo ay UCID sheegeen in ay sharci darro ku xidhan yihiin.
Haddaba halkan ka daawo.
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Ofice
.