Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo Qudbad Taariikhiya ka Jeediyay Munaasibad Loo Qabtay Ardayda Dugsiga Sare ee Mujaahid Quulle Aadan

0
342

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo  Tacliinta sare ee Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan,ayaa qudbad dhinacyo badan taabanaysa oo taariikhiya ka jeediyay munaasibad loo qabtay ardayda dugsiga sare ee mujaahid Quulle Aadan ee caasimadda Hargeysa.

Afhayeen Cabdilaahi oo ahaa  macalinkii dhidibada u taagay isla markaana aasaasay ee  hirgaliyay dugsiga sare  in uu ka mid noqdo dugsiyada sare ee dalka ugu horreeya xaga waxbarasahda ardayda  isagoo ka soo bilaabay meel bannaan oo aan jirin oo sagxadda ah,ayuu haddaba Dugsiga sare ee Quulle Aadan soo gaadhsiiyay in  uu noqdo Dugsi Sare oo lagu soo hirto oo dhawr iyo toban Fasal ah.

Abwaan Bare Sare Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan waxaa uu ka hadlay dhacdooyin badan oo uu soo maray aasaaskii dugsiga Quulle Aadan iyo sidii au ku hirgaliyeen in uu noqdo Dugsi ka mid noqda Dugsiyada Sare ee dalka mid safka hore kaga jira aqoon ahaan iyo macalimiin ahaanba.

Haddaba halkan ka daawo Qudbadda Taariikhiga ah ee uu Abwaan Bare Sare Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan munaasibadda ka jeediyay.