Buuhoodle(Xogsoormedia.com):-Dawladda Itoobiya ayaa maanta kaalmo dawooyin iyo raashin isugu jirta soo gaadhsiisay magaalao xuduudeedka Buuhoodle una soo dirtay dhakhaatiir caafimaad oo dawayn iyo baadhitaano ku soo sameeya dadka deegaanka Buuhoodle oo dad badan oo ka mid ah uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka oo dad badani u dhinteen kuwo kalena ay u jiifaan.
Ugu yaraan illaa 40 oo ruux ayaa xilligan u jiifa cisbitaalada magaalada Buuhoodle xannuunada Shuban biyoodka iyo Jadeecada oo deegaankaas ka dilaacay ka dib markii ay abaar baahsani deegaanka ka dhacday.
Waxaana dadka isu raacay xoolihii oo ka baxay iyo iyagoo aan haysan cunto iyo biyo midnaba isla markaana ay soo riteen xannuunadani
Waxaana weftigan dhakhaatiirta ah oo ka socday dawladda Fadaraalka Itoobiya iyo dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ay tageen cisbitaalka Daryeel ee magaalada Buuhoodle oo uu leeyahay wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye” kaasoo ay jiifaan dad kor u dhaafaya 300 oo qof oo uu soo ritey xanuunka Shuban Biyoodku,waxaana ay halkaasi dhakhaatiirtani gaadhsiiyeen dawooyin ay dadkan xanuusanaya usoo dirtay wasaaradda Caafimaadka Dawlada Itoobiya iyaga oo sidoo kalena sida Ramaasnews loo xaqiijiyey isla maantaba hawl gallo caafimaad oo daawayn ah dhakhaatiirtan cusbitaalkaasi ka bilaabeen.
Waxaana dhakhaatiirtani sida naloo sheegay ay ku sugnaan doonaan magaalada Buuhoodle ilaa inta ay ka dabar jarayaan xanuunkan Shuban Biyoodka oo faro baas ku haya bulshada Buuhoodle isla markaana ay dad tiro badan u dhinteen, waxaana dhakhaatiirtani ay ka kala socdaan sida naloo sheegay dawlada Fadaraalka ah ee Itoobiya iyo dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya ee Jigjiga.
Dhinaca kale horjoogaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Kahliif Galaydh,wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Kooxda Khaatumo oo ay waheliyaan waftiyo ka kala socday dalalka Maraykanka iyo Ustarelia ayaa waxay iyaguna kormeer ku tageen cusbitaalka Daryeel ee uu leeyahay Wasiir Xaglo Toosiye oo ah wasiirka caafimaadka dawlada Somaliland oo ay jiifaan boqolaal qof oo uu soo ritey xanuunka shuban biyoodku,waxaana Horjooge Cali Khaliif Galaydh iyo waftigani ay mid mid u dul istaageen bukaan jiifkan oo u badan waayeel iyo caruur,waxaanay alle uga baryeen inuu alle caafiyo halka ay waftigan cadaanka ahna dhakhaatiirta cusbitaalka ku adkeeyeen inay si daacada ugu shaqeeyaan bukaan jiifkan lana tacaalaan xaaladooda caafimaad.
Gabagabadiina Buuhoodle iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxa faro baas ku haya xanuunada Shuban Biyoodka iyo Jadeecada kuwaas oo soo ritey isla markaana ay cusbitaalada Buuhoodle u jiifaan in kabadan 400 oo qof oo u badan waayeel iyo caruur,waxaana jira dad u dhintay xanuunkaasi oo iyaga laftooduna kor u dhaafaya 30
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Ofice