Kooxda Barcelona ayaa Garoonkooda Camp Nou kula ciyaartay kooxda Juventus kulan aad u xiiso badnaa oo ka tirsanaa lugtii 2-aad ee wareega 8 dhamaadka champions league.Kulanka ayaa ahaa mid aad loogu bogay oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u fiican iyaga oo ay ka go,anayd in ay goolal dhaliyaan.
Kooxda Barcelona ayaa ahayd kooxda weerarka badan qaadaysay kulanka maamulkiisana haysay halka kooxda Juventus dhanka difaacay ay awoodda badan saartay kulanka ayaa ahaa mid labada kooxoodba sameeyeen fursado yar oo gool laga dhalin karayay laakiin midkoodna uma suuro galin ay soo taabtaan shabaqa kooxda kale
Kadib qaab ciyaareed aad u fiicnaa oo ay labada kooxood soo bandhigeen labada kooxood ayay u suuro gali wayday in ay wax gool ah dhaliyaan.Waxana sidaas ku dhamaaday qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxoodba ku dhamaysteen bar-baro 0/0 ah
Qaybta dambe ayaa ku bilaabatay mid ka xiiso badan qaybtii hore xilli ay wali kooxda Barcelona ku raad joogto sidii ay u dhalin lahayd goolka 1-aad ee ay ciyaarta hoggaanka ugu qaban lahayd.
Xiddigaha Barcelona oo uu ugu cad-cadaa Neymar ayaa wax walba sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolal ka caawiya in ay rejo ka yeelato kulanka laakiin taa waxaa ka diiday oo beeneeyay difaaca kooxda reer Talyaani oo la mari waayay
Kooxda Juventus ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ugu tala gashay in ay difaaca xidhaan waxaanay xiddigaha Barcelona ka xidheen wado kasta oo ay kooxda Barcelona ku gaadhi karaan goolka uu ilaaliyo goolhaye Buffon iyaga oo doonaya in ay ciyaarta bar-barahaas ku dhamaato hadii aanay iyagu wax goolal ah dhalin karin.
Juventus,ayaa sidaa kaga oohisay kooxda Barcelona iyo taageerayaasheedii soo buux dhaafiyay garoonkooda Camp Nou ka dib markii ay ciyaartu ku dhamaatay barbarro 0-0 ah oo aanay kooxina waxba dhashan iyadoo Juventus ay iska xaadirisay waregga 4 dhamaadka ee champions league ka dib markii ay hore us oo shaqaysatay ee ay lugtii hore ee ciyaarta oo ka dhacday garoonkooda ku soo badiyeen 3-0 taasoo ay Barcelona is lahayd waad ka soo kaban kartaa oo ay niyaysatay in ay guul ku gaadhi doonto garoonkeeda sidii Ciyaartii lugta labaad ay isku haleeleen kooxda rer Faransiis oo lugtii hore Barcelona kaga soo badisay 4-0 laakiin lugtii labaad ee garoonba Barcelona ay ceebi ka raacday ka dib markii Barcelona ay ugu bedeshay 6 -1.
Laakiin niyaysashada guul ay gurigooda ku gaadhaan caawa waxaa beenaysay kooxda Juventus oo ku sasabtay in ay garoonkooda ka dhex ooyaan.