Muqdisho(Xogsoormedia.com):- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,ayaa maanta dib ugu celiyay mooshin ay bil ka hor Xukuumadda Muqdisho u gudbisay oo ka dhan ahaa heshiis saldhig Millatari oo dalka Imaaraadka Carabta iyo Somaliland dhex maray isla markaana dalka Isutagga Imaaraadka Carabtu uu saldhig Millatari kaga samaysanayo Madaarka Berbera.
Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo ka hadlay mooshinka ayaa sheegay in aanay tafaasiil ku filan ka haynin heshiiska mooshinku lidka ku yahay iyo qaabka loo wada galay waxaanu Xukuumadda ka dalbaday in ay tafaasiil dheeraad ah ka keento heshiiska iyo nooca uu yahay iyo cidda wada gashay markaa ka dibna ay mooshin dhammaystiran keenaan kan horena sidaa loogu celinayo lagana sugayo mooxshin faah faain badan ka bixinaya heshiiska Saldhigga Millatari ee Xukuumaddu ka hadlayso.
Dhinaca kale Xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo,ayaa dedaallo badan u gashay sidii ay u hakin lahayd heshiiska saldhigga Millatari ee ay wada galeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu taasoo aanay wax guul ah ka gaadhin.
Haddaba halkan hoose ka daawo Guddoomiye Jawaari oo ka hadlaya dib u celinta Mooshinkan.
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Ofice