Hargeiysa(Xogsoormedia.com):- ALLE ha u naxariistee Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf ayaa ku geeriyooday dalka Sweden oo uu muddo ku xanuunsanayay.
ALLE ha u naxariistee Abwaan Xasan Qadhan Yuusuf,ayaa ka mid ahaa Abwaanada faro ku tiriska ah ee ahaa foolaadka Fanka Somalida isla markaana muddo badan ku soo jiray bahda Fanka.
Abwaaan Xasan Qawdhan ayaa ayaa hal abuur curiyay suugaan iyo riwaayado badan waxaanu ka mid ahaa abwaanda canka ka dhex ah bahda Fanka Soomaaliyeed iyo bulshada afka Somaliga ku hadashaba.
Haddaba Abwaan Xasan Qawdhan riwaayadihii uu sameeyay iyo qaybo ka mid ah suugaantii uu curiyay waxanu ka soo qaadan doonaa qayb ka mid ah waraysi intii uu noolaa u la yeeshay wariye Cali Seenyo oo kula kulmay dalka Ingiriiska.
ALLE ha u naxariistee Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf wuxuu ahaa qof ALLE ka cabsi badan oo cidaadada ku wanaagsan isla markaana afkiisa iyo addinkiisaba laga nabad galo,wuxuu ahaa qof dad la dhaqan wanaagsna oo gacantiisu furan tahay oo u samo fala dadka jilicsan,
Wuxuu ahaa qof gacantiisu furan tahahy oo deeqsi ah oo aan fanka ku shaqaysan laakiin uu u yahay hobbi isla markaana si gaar ah u shaqaysta,wuxuu ahaa uruurshe aan la helayn uu ummadda ka baxay.
Bahda Xogsoormeida.com waxay tacsi u diraysa qoyskii,qaraabadii iyo asxaabtii iyi guud ahaan fanka Somalida iyo umadda afka Somaliga ku hadasha ee uu ka baxay,waxaanay Marxuumka ALLE uga baryayaan in uu jannooyinkiisa ugu deeqo oo uu dambigisa dhaafo.
AAMIIN