Wefti ka Socday Dalka Maraykanka oo kulan la Yeeshay Shir-guddoonka Baarlamaanka Somaliland

0
394

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Wefti ka socday dalka Maraykanka oo socdaal ku joga Somaliland,ayaa maanta kulan la yeeshay Shir-guddoonka golaha wakiiladda Somaliland oo ay ku booqdeen xarunta Baarlamaanka Somaliland.

Kulanka labada dhinac wada yeesheen oo muddo saacado ah socday,ayaa lagaga wada hadlay dib u dhaca doorashooyinka Somaliland xaaladda abaarta iyo arrimo kale.

Markii shirka ay wada yeesheen Shir –guddoonka golaha wakiiladda Somaliland iyo weftiga ka socday Maraykanku uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta la hadlay oo faah faahin ka bixiyay qododba ay labada dhinac ka wada hadleen Guddoomiye  ku-xigeenka labaad ee golaha wakiiladda Somaliland Dr Cali Yuusuf Axmed.

“Waxaanu aad iyo aad ugu faraxsannahay weftigan balaadhan ee nooga yimi Maraykanka,waxay ka socdaan Sanadka Maraykanka oo soo dirsaday oo  ay wakiil uga yihiin,dhawr iyo Toban Waddan oo kuwa jaarka aynu nahay ay ku jiraan oo ay  soo mareen,waxay doonayaan inay ogaadaan xaaladda Somaliland siday tahay,Abaaruhu siday yihiin,Doorashooyinka  halka aynu ka taaganahay iyo halka aynu marayno,waxyalahaas oo dhan sharraxaad ayaanu ka siinay, waxaanan u malaynayaa waxay u baahnaayeen oo dhan waan u sheegnay”

Waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay arrimaha ugu muhiimsan ee ay xiisanayaeen weftiga Maraykanku ee ay wax ka waydiiyeen iyo guud ahaan qodobada ay ka wada hadleen,waxaanu yidhi.

“Waxyaabaha ay xiisanayaan Doorashooyinka ayaa ka mid ah,abaaraha ayaa kamid ah iyo Nabadgeliyada,kolkaa way ku qanceen sababaha aynu dib ugu dhignay doorashooyinka Somaliland inay abaaraha yihiin,waxaanu u  sheegnay oo kale in dhaqaaluhu uu ku baxo dhanka Nabadgaliyada sababtaa awgeedna aanay jirin Argagixiso wadankeena ku sugan,in aanay jirin Budhcad-badeed oo dee xoolaheena aynu ku bixino halkaas”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Dr. Cali Yuusuf Axmed oo ah gudoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha wakiilada Somaliland.

Weftiga Maraykanka ayaa inta ay joogaan la filayaa in ay kulamo kale la yeeshaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda,asxaabta qaranka iyo Madaxweynaha Somaliland

.

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Ofice