Hargaysa(Xogsoormedia.com):- Taliyaha qaybta booliska gobolka Togdheer Gaashaanle Dhexe Cabdi Muuse Cabdilaahi ayaa ka hadlay rabshado kooxo dhalinyaro ah ku dhexmaray magaalada burco,taasoo sababtay dhimashada hal qol iyo mid dhaawac ah
Taliyaha ayaa sheegay in dhibaatadu ay ka dhacday laba kooxood oo kubbad wada ciyaarayay ka dibna isku xanaaqay ii dagaal uu dhex maray habeenimadii
Waxaanu intaa ku daray in ciidanka boolisku ay gacanta ku hayaan xaaladda imika isla markaana nabad gelyada magaaladu ay hadda wanaagsan tahay.
Waxaanu farriin u diray waalidiinta oo uu u soo jeediyay in aanay caruurtu masuul noqon balse loo baahan yahay in waalidku ubadkooda ay masuul ka ahaadaan.
Waxaani yidhi
“Hadaan idiinka warramo arinta Habeen hore ka dhacday magaalada burco ciyaal isku laynayay laba kooxood oo rabshaduna ay ka bilaabantay kubbad ay wada ciyaarayeen oo imika ciyaalkeena waad taqanaa oo marka ay kubbadda wada ciyaraan haddii aad gool ka dhaliso waxay ku odhanayaan waa inoo hadhow magaaladii,markaas arintaas ciidanku markii uu ka war helay Rabshadaasi kubbadda ka bilaabantay wuu ku baxay si uu xaalada uu u dajiyo.”
Taliyaha qaybta booliska gobolka Togdheer oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray “Markaas waxa dhacday in ay nin iska dileen nin kalena ay iska dhaawaceen labadii kooxood ee kubbadda wada ciyaarayay,markaa ka dibna ciidanka boolisku rabshadaas gacanta ayuu ku qabtay, waxa rasaas ahna iskumay adeegsan ee waxaay ku dagaalameen iyo birihii ay isla dhici jireen.”
“Ciidanka ammaanku kiiskaasi gacanta ayay ku hayaan intii dhalinyaro ah ee arintaas ku lug lahaydna waanu soo wada qabanay cid maanta naga maqanina majirto kii u danbeeyay saaka ayaanu qabanay,waxaanan leeyahay hawshaasi baadhis dheer ayay galaysaa baadhistana ka hordhici mayno.”
Ciidanka booliska ee magaalada Burco ayaa intii dhacadaa dhimashada sababtay ay dhex martay labada kooxood ka dib waxay qaadeen tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka magaalada isla markaana lagaga hor tegayo dhallinyarada kooxo kooxaha isku dila.
Waxaanu taliyuhu ku adkeeyay waalidiinta in ay ubadkooda ka adkaadaan oo ay u taliyaan isagoo sheegay in imika ay ciyaalku taliyaan.
Haddaba halkan ka daawo warka taliyaha oo dhammaystiran.
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Ofice