Dadweynaha Magaalada Borama oo Xukuumadda ku Eedeeyay Wax ka Qabasho La,aanta Sicir Bararka

0
320

Borama(Xogsoormedia.com):- Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Borama,ayaa Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay wax ka qabasho la,aanta sicir bararka isla markaana muddaharaad ay kaga cabanayaan sirir bararka cirka isku shareeray maanta isugu soo baxay.

Dadweynaha Borama ka muddahaaraday ayaa isugu jiray ganacsatada wadhatada loo yaqaan ee suuqa  sariibadda wax ku iibiya iyo dadweyne uu noloshooda saameeyay kor u kaca qiimaha Dollarka  oo maraya in ka badan 9,000 oo shillinka Somaliland ah halka Dollar iyo qiimo dhaca lacagta Shillinka Somaliland oo maalin kasta ay wax ka dhacaan maalmihii ugu dambeeyay.

Waxaa kale oo ay Xukuumadda ku eedeeyeen in ay ka shaqaysiin wayday go’aamaddii  Madaxweynaha Somaliland uu ka soo saaray la dagaalanka Sicir bararka iyo kor u qaadista qiimaha shillinka Somaliland.

Haddaba halkan ka daawo muddaharaadka maanta Borama ka dhacay

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Ofice