Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Halista abaarta ka jirta guud ahaan gayiga ay Soomaalidu ay degto gaar ahaan Somaliland meelo ka mid ah,ayaa gaadhay in dadka iyo dugaagu ay ku dagaalamaan ceelasha ay biyuhu ku sii hadhsan yihiin ee ay dadku nafta kula eerteen.
Deegaanada Tuulooyinka Ceeg iyo Ceel-xume oo ka tirsan gobolka Togdheer isla markaana magaalada Burco kaga beegan dhinaca koonfureed oo ah deegaanada ay ceelasha biyaha wax ku sii hadhsan yihiin,ayay isku haleeleen ceelashii biyaha dad harraad keenay oo iyaga iyo duunyadooduba ay u soo biyo doonteen ceelasha Ceeg iyo Ceel-xume iyo raxan doofaarro ah oo harraad dartii naf biday in ay biyaha xoolaha la waraabiyo in ay Xoog ku cabbaan.
Haddaba halkan ka daaw warkaas oo faah faahsan
Xogsoormedia.com
Hargeisa Ofice