Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Guddida doorashooyinka Somaliland ,ayaa ka hadlay kulan ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland oo xisbiyada mucaaridku dareen shaki ka muujiyeen iyo lataliyihii Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka ee is casilay oo ay sheegeen in shir aan shaqadiisii ahayn in uu ka cadhooday oo aan qusayn.
Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa si taxadir leh u sheegay inay ku shaqeeyaan sharciyad waxaanu yidhi “Komishanku waa hay’adda ugu saraysa ee u qaabilsan dalka inay hagto doorashada, diwaan gelinta iyo wixii la xidhiidha, ilaa hada si toos ah ayaanu u wada shaqaynaa hay’addaha aanu wada xidhiidhno oo ah inaanu isu marno wixii aanu is farayno ama kala qaadanayno haday sadexda xisbi qaran tahay iyo haday dawlada tahayba, xidhiidhkayaguna waxa uu ka dhaxeeyaa afartaas hay’addood iyo anaga oo dhex u ah, dhex dhexaadnimadayada iyo jiritaankayagana xeerar ayaa qeexaya, walina ma hayno wax toos ah laakiin marka ay timaado waanu ka hadli doonaa.”
Gudoomiye Cabdiqaadir Iimaan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaanu ku dhisanahay xeerar, xeerarkaas sharciga ah ninna kama sarreeyo, xeerarkaasi wixii ay na farayaan ayaanu ku dhisannahay xeerarkaasina way qeexayaan waanay cad yihiin.”
Sidoo kale guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan ayaa ka hadlay qaabka ay u wada xidhiidhaan hay’addaha ay wada shaqayntu ka dhaxayso waxanu yidhi “komishanka doorashooyinka ayaa u yeedha ama ay ka timaadaa inuu arko hay’addaha uu la xidhiidho, waddan sharci ku dhaqma ayeynu nahay, sharciga haddii aynaan marinna waxeenu waxay noqonayaan inuu walaac galo, xeerka doorashooyinka ee lagu dhisay guddida doorashadu isaga ayaa komishanka awood u siinaya inuu hay’ad kasta oo uu wax uga baahdo u diro waraaq.”
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland oo ka hadlayay kulan ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo xisbiyada Mucaardiku shaki ka muujiyeen arrimaha ay ka wada hadleen kana dalbadeen in ay u caddeeyaan,ayaa yidhi “sida aanu dawlada maalintaas dhawayd ugu tagnayna waxay ahayd shaqadii naga dhaxaysay, Madaxweynaha meel ka hoosaysana ma aragno, maadaama oo aanu galayno kaadh bixintii waxaanu Madaxweynaha ugu tagnay inaanu gaadhsiino inaanu u baxayno labadaa gobol dhamaystirnayna wixii agab iyo shaqaale ahaa ee loo baahnaa isla markaana ay ogaadaan in shaqadii la gudo galay, wixii naga dhiman hadday xisaab tahay iyo haday shuruuc tahayba iyo wixii aanu uga baahannayba halkaas ayaanu galinay oo waa dariiqada aanu ku xidhiidhno Madaxweynaha iyo sadexda guddoomiye ee xisbiba.”
Waxaa kale oo uu ka hadlay kulan guddoomiyuhu kulan ay wada yeesheen Wasiirka Madaxtooyada iyo la-taliyiii Madaxweynaha ee arrimaha Doorashooyinka Cabdilaahi Jawaan oo sheegay in uu kulankaa gudiga doorashooyinka iyo wasiirka dhex maray in uu iska casilay waxaanu yidhi “La taliyaha Madaxweynuhu waa la taliyaha Madaxweynaha ee arimaha doorashooyinka iyo xisbiyada maaha la taliyaha komishanka, komishankuna marka uu doonayo inuu la hadlo Madaxweynaha waa inuu Madaxweynaha la fadhiyaa marka ugu dambaysa ee aanu gaadhno, laakiin tii uu kaga baxay Cabdilaahi Jawaan waa annaga oo sii diyaarinayna wixii Madaxweynaha loola tegi lahaa oo wasiirka madaxtooyada aanu ka sii diyaarino si aanu Madaxweynaha ugu tagno.”
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Ofice