Hargeysa(Xogsoormedia.com):- La-taliyihii Madaxweynaha ee arrimaha Doorashooyinka Cabdilaahi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan),ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii la-taliyaha arrimaha doorashooyinka ee Madaxweyne Siilaanyo.
Waxaa kale oo uu sheegay in talada dalku aanay gacanta Madaxweynaha ku jirin, taasoo uu sabab uga dhigay is casilaaddiisa
“Dad aan la dooran ayaa go,aanadii ugu danbeeyey ee dalka gooyey , taasna meel ku tagi meyno , madaxweyne siilanyo canbaareyn maayo lakiin taladi loo doortey waa baylah , dalka dhana waxaa xukuma wasiirka madaxtooyada ” ayuu yidhi
Dhinca kale waxaa uu Cabdilaahi Jawaan saluug xoogan ka muujiyey hanaanka shaqo gudida doorashooyinka isaga oo xusay in aanu arkeen qorshe ay wadaan gudidaasi oo doorasho dalkan lagaga qaban karo isla markaana waxuu ugu baaqey in ay iscasilaan
” Gudida dorashooyinku Wadadii doorasho lagu qaban lahaa ma hayaan , in loo yeedhaayo oo ay amar qaadanayaan baan arkaa, markaas hadii eydaan waxba qaban kareeen dee iska casila ceebna ma ah iscasilaadu oo anba waanigan iminka is casilaya ” ayuu yidhi