Qasaaraha ka Dhashay Weerar Gaadhi Lagu Fuliyay oo ka Dhacay Dalka Sweden

0
301

Weerarada Gaadiidka Xammuulka ah Lagu Fuliyo oo Noqday Halista ugu weyn ee Yurub ka taagan xilligan

Stockholm(Xogsoormedia.com):- Weerar lagu fuliyay gaadhi wayn oo xammuul ah oo dad lagu jiidhsiiyay badhtamaha magaalada caasimadda ah ee dalka Sweden ee Stockholm,ayaa gaystay qasaare dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay sheegeen boolisku waxa geeriyooday sadex ruux oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay dhawr qof oo kale, iyada oo dhacdadani ka dhacday wado aad u mashquul badan oo ku taala aaga Drottninggatan.

Raysal-wasaaraha Sweden, Stefan Lofven waxa uu sheegay inay suuragal tahay inuu yahay weerar ay ‘argagixiso’ ka dambeysay.Waxa uu intaasi ku daray in hal qof loo xidhay falkan,

Shirkadda leh gaadhiga xamuulka ah ee dadka la jiidhsiiyay  loona adeegsaday weerarka ayaa sheegtay in gaadhiga la afduubay subaxnimadii saaka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay qeybo kale oo ka mid ah magaalada, sida uu ku warramay weriyaha BBC-da arrimaha ammaanka Frank Gardner oo soo xigtay ilo wareedyo dhinaca ammaanka.

Wali lama garanyo in labada dhacdo ay  xidhiidhi  leeyihiin iyo in kale

Dhinaca kale dalalka Yurub ayaa hadda halista ugu weyn ee ka jirtaa ay noqotay weerarada lagu fuliyo gaadiidka waawayn ee Xamuulka ah iyadoo hore weearo dad badani ay ku dhinteen  oo gaadiid waawayn oo xamuul ah loo adeegsaday ay uga dheceen dalalka Faransiiska,Farmalka iyo Holand.

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland.