“Muusoow Dhib Wayn Ayaa Haysata Qofka Dad Cod ka Doonaya.”Cabdicasiis Samaale

0
330

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale,ayaa sheegay in dhib wayni ay haysato qofka dad cod ka doonaya isla markaana ay tahay hawl agad.

Waxaa kale oo uu sheegay in aanu maalin qudha ka tegin Xisbiga KULMIYE laakiin ay galeen  tartan adag iyo dagaal  gudaha Xisbiga ah. Waxaanu intaa ku daray in shalay haddii ay Muuse tartan iyo dagaalba wada galeen in uu imika bar bar taagan yahay oo uu ka mid yahay baalasha u ku duuli doono Musharax Muuse.

Waxaa kale oo uu hadal sarbeeb iyo soo dhawayn ah isu raaciyay Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Xisbiga WADDANI  Axmed Muumin Seed oo uu ugu duur xulay in gudaha Xisbigii uu ku tartamay ee dagaalku ka qabsaday uu ka yimi laakiin aanay isaga(Samaale) iyo Xildhibaan Axmed Kijaandhe in aanay  ka tegin KULMIYE oo ay ku jiraan iyadoo lagaga adkaaday dagaalkii gudaha Xisbiga.

Haddaba halkan ka daawo.

 

.

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland.