Berbera(Xogsoormeidia.com):- Wefti dhakhaatiir xoolaha iyo beeraha ah oo ka socday dalka Sucuudiga,ayaa soo gaadhay dalka Somaliland gaar ahaan magaalada Berbera.Weftiga ka socda dalka Sucuudiga,ayuu socdaalkoodu la xidhiidha in ay xog ogaal u noqdaan xaaladda caafimaadka Xoolaha iyo sida ay u shaqeeyaan maxjarada xoolaha ee magaalada Berbera.
Dhamaadkii sannadkii tegay ayay ahayd markii ay dawladda Boqortooyada Sucuudigu ay xayiraadda ay saartay Xoolaha Soomaalida oo halka ugu badan ee ay uga dhoofi jireenna ay ahayd Marsada Berbera.
weftiga dhakhaatisa Sucuudiga ka socday ayaa intaanay Berbera tegin waxay Hargeysa kulamo kula yeesheen masuuliyiinta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ka dibna waxay maanta u safreen Berbera iyagoo kormeer ku soo samayn doona 4 Maxjar oo caafimaadinta Xoolaha ah oo ku yaalla magaalada Berbera.
Haddaba halkan ka daawo.