TV . Ruqsad Ka Haysta Somaliland oo ku gefay Madaxbannaanida iyo Qarannimada Somaliland iyo Xeer Illaalinta oon Tallaabo Ka Qaadin

0
285

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Muuq baahiye ka mid ah Tilifishidana ku hadla afka –Soomaaliga oo laga leeyahay Soomaaliya isla markaana ruqsad ka haysta Somaliland,ayaa caddaystay in uu yahay TV  lid ku ah qarannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland  siina daayay  oo tabiyay warar lid ku ah qarannimada iyo madaxbannaanida Somaliland

Muuqbaahiyaha Star Television Network( STNTV) oo Somaliland ka haysta ruqsad uu kaga hawl gali karo kuna tabin karo wararka ka jira Somaliland ayaa si cad ugu gefay sharciga war tabineed ee Somaliland ugu ogolaatay in uu kaga hawl galo ka dib markii uu qarannimada Somaliland uu ka dhigay mid aan jirin kuna sheegay in ay tahay Soomaaliya gobolo ka mid ah.

Laba war oo uu tebiyay midna habeen hore midna habeen sadexaad ayuu si aan gabbasho lahayn Muuqbaahiyaha Star Television Network( STNTV) ugu sheegay in wararkaasi ay ka soo gaadheen maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya wax uu ugu yeedhay.

Kulankii Madaxweynaha Somaliland uu qasriga Madaxtooyada kula yeeshay wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Michael Keating  markii uu ka warramayay muuqbaahiyan  Star Television Network( STNTV) ayuu ku ssheegay sidan. “Ergayga u qaabilsan xoghayaha qaramada midoobay Soomaaliya Michael Keating,ayaa booqasho ku tegay magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland.”

Waxaa kale oo uu muuqbaahiyani uu war ka sameeyay xaaladda abaarta iyo sicir bararka ka jira deegaano ka tirsan Somaliland waxaanu si cad  mar labaad u caddaystay sida aanu dhex ugu ahayn war tebinta ee uu u yahay TV ku hadlaya afka dawladda Muqdisho oo sheegta mar kasta dalka Somaliland in uu ka mid yahay maamulkooda waxaanu yidhi Tv-gaasi.” Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ee Soomaaliya.”

Haddaba Muuqbaahiyaha Star Television Network( STNTV) ma TV- ay leedahay dawladda Soomaaliya ee Muqdisho lagu waardiyeeyo oo shaadh madaxbannaan u soo xidhay Somalinad,baa mise badheedh ayay a tahay oo wuxuu ka run shegayaa sida uu dagaalka aan gabbashada lahayn ugu hayo Somaliland.

Waxaa kale oo ay is waydiintu tahay maxay Wasaaradda Warfaafinta ee Ruqsada siisay maxay tallaabo uga qaadi wayday iyadoo aynu ogsoonahay in wargaysto Somaliland laga leeyahay oo tiro badani in ay u xidhan yihiin xukuumadda Somaliland oo ku eedaysay in ay gefaf wareed galeen.

Xeer Illaalinta qaranka oo inta badan ku soo oogta warbaahinta Somaliland laga leeyahay eedaymo  ay tilmaamaan in uu qaranku dhibbane  ka yahay ayaan iyaduna wali aan ka hadal Muuqbaaiyahan dagaalka ku la jira qaranka Somaliland eek u sheegay waqooyiga Soomaaliya oo ah hadal gef ku ah qarannimada iyo madaxbannaanida Somaliland.

Haddaba daawo wararka qarandumisnimada ah ee uu ka tabiyay Somaliland.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@mail.com

Xogsoormedia.com@mail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland