London (Xogsoormedia.com): – Maamulaha guud ee shirkada Dahab-Shiil Group Cabdirashiid Maxamed Saciid (Dahab Shiil) ayaa sheegay in ay qayb wayn oo wax ku ool ah in ay ka qaateen gurmadka iyo samato bixinta dadka abaaruhu ku dhufteen guud ahaan dhulka Soomaalida ee Geeska Afrika
Waxaanu intaa ku daray in ay ugu yaraan Dahabshiil ahaan in ay gurmadka abaaraha kaga qayb qaateen Hal Milyan iyo badh Dollar oo ay dadka ugu gurmadeen halka ay qiimo dhimis balaadhan u sameeyeen lacagaha gurmadka abaaraha ee la xawilayo amma ay kaba daayeen qarashka yare e xawilaadda ah taasoo iyana qayb ka noqonaysa ka qayb qaadashada gurmadka iyo samato bixinta dadka abaaraha ku tabaaloobay.
Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Group Laanta afka-Somaliga ee Idaacadda VOA.
Maamule Cabdirashiid oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi.“Waxyaabaha ugu badan oo aan ka wada hadlay dhamaan dadkii aan is aragnay dabcan waxaa ay aheyd arinta abaarta oo kaliya iyo sida looga qeyb qaadan karo u gurmadka dadka ay abaartu saameysay, maxaa yeelay dad ayaa jira oo aan warkii oo dhan aan wada heyn, ayuu yidhi maamulaha shirkada Dahab Siil.
Mar uu ka hadlayay kaalinta ay ka qaateen Dahabshiil ahaan u gurmadka iyo taakulaynta dadka abaaruhu ku habsadeen ayuu, yidhi. “Waa jirtaa gacan aan arintan ka geysanay, qaar aan lacag ku bixinay iyo kuwa aan raashin u iibinay intaba, gaar ahaan gobollada ugu daran ee abaarta ay ku dhufatay, lacagta aan ku deeqnay waxay gaadheysaa ilaa $1.5 million oo doolar.”
Waxaa kale oo uu sheegay in gaargaar ay u fidinayaa dadka abaartu saameysay oo ay u sii marinayaan dhamaanba xarumaha ay ku leeyihiin gobollada Soomaalida si loo hubsado in uu gargaarku gaadhay dadkii u baahnaa.
Waxaa kaloo uu intaa ku darray in lacagaha loogu deeqayo dadka dhibaateysan ee la sii mariyo shirkad ahaan ay u sameeyaan qiimo dhimis ama mar marka qaar si bilaash ah lacagaha ku xawilaan, taasoo la odhan karo waa qeyb ka mid ah kaalinta shirkaddu ay ka qaadaneyso gurmadka abaaraha.
Waxaanu intaa ku daray Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Group in gobollada hadda abaarta ugu sii darran ay ka mid yihiin gobollada Gedo, Baay Bakool iyo deegaanno badan oo ka mid ah koonfurta iyo badhtaha oo u baahan in gargaar deg deg ah lala gaadho.
“Waxaa fiican si abaarta looga hortago in loo diyaargaroobo biyo xidheeno iyo daadadka la qabto oo loo sameeyo meelo togag ah oo ay biyuhu galaan si marka danbe loogu baxsado”
Ugu danbeyntii, Cabdirashiid Dahab Shiil ayaa ka hadlay saameynta ka bixintaan midowga Yurub ee dowladda Britain oo uu sheegay in arintaasi ay saameyn badan ku leedahay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa doonaya in ay dadkooda caawiyaan, madaama qiimaha lacagtii Ingariiska uu hoos u dhac ku yimi.
‘’Arintaasi saameyn weyn ayey leedahay, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed, waad aragtaa oo hadda lacagtii Ingiriiska qiimo dhac ayaa ku yimi oo qofkii is lahaa dadkaaga caawi oo wax u dir, hadda sarif wanaagsan kuma helayo lacagta.” ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid maamulaha guud ee shirkada DahabShiil.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland