Muqdisho(Xogsoormedia.com):- Wasiirkii Hore ee Dekedaha iyo Khayraadka Badda Nuur Faarax,ayaa maanta ku geeriyooday magaalda Muqdisho.
Wasiirka ayaa maalmahan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, isagoo lagu daweynayay Cisbitaalka Erdogan Ex Digfeer, ka ddib markii maskaxda dhiig kaga furmay.
Dhakhaatiirta Cisbitaalka Digfeer ayaa sheegay in xaaladiisa ay aheyd mid aad khatar u ah , isla markaana aanay suura gal aheyn in dalka dibaddiisa loo qaado.
Wasiirkii hore ee Dekedaha ayaa ka mid ahaa Wasiiradii Xukuumaddii hore Cumar Cabdirashiid oo lagu waday inay xilka wareejiyaan.
Waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho, waxaa aaskiisa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Ugu danbeyntii, Nuur Faarax Xirsi ayaa hore u soo noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Malaysia, waxaa uu ka soo jeedaa deegaanada Somaliland, isagoo mar furtay urur siyaasadeed lagu magacaabi jiray Gurmad, hase ahaatee ku guuldareystay inuu ka mid noqdo saddexda Xisbi ee Somaliland ka jira.
Alle ha u naxariisto Wasiir Marxuum Nuur Faarax Xirsi
- Xogsoormedia.com
- Xogsoormedia24@gmai.com
- Xogsoormedia.com@gmail.com
- abafgaab@hotmail.com
- Hargeisa Somaliland