Wasiirka Madaxtooyada oo Bulshada ka Saaray Shaki Laamaha Ammaanku Ka Dawayn Kari Waayeen

0
358

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,ayaa bulshada reer Somaliland ka saaray maanta shaki lagu soo dhex tuuray oo muddooyinkii u dambeeyayba ahaa hadal haynta ugu badan ee dalka ka jirta.

Shakigan oo ahaa mid malo awaal u badan isla markaana aan la garanayn halkii ugu horraysay ee uu ka soo bilaabmay iyo ujeedada falal la rumaysan karo oo shakigan run u ekaysiiyay ay u dheceen isla markaana ay hay’addaha ammaanku ku guul darraysteen in ay dadka  hadal kaga daweeyaan,ayuu maanta Wasiir Xaashi si mugwayn ugu iftiimiyay bulshada in  hadalada shakiga laga qaaday ee malo awaala ahi in aanay wax jira ahayn.

Waxaanu si qoto dheer uga hadlay sida aanay dalka uga jirin waxyaabaha sheegaya in dad la xaday amma xubno lagala baxay in ay ka dhacday Somaliland iasgoo hoosta ka xaiiqay in aau jirin qof reer Somaliland ah oo maanta dalka gudihiisa ku maqan oo la waayay iyo mid xubno lagala baxay midnaba .

 

Haddaba halkan ka daawo hadalka wasiirka oo dhammaystiran.

 

 

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland