Muqdisho (Xogsoormedia.com):- ALLE ha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya maanta aas qaran lagu sagootiyay Marxuum Nuur Faarax Wasiirkii hore ee Dekedaha Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday.
Aaska Marxuumka ayay ka qayb galeen madaxda dawladda Soomaaliya ugu sarraysa iyo masuuliyiin kala duwan culimo awdiin madaxdhaqameed iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.
Madaxda ka qayn gashay aaska jinaasada Marxuumka ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi “Farmaajo”guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cismaan iyo ms’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda
Madaxda ka qeybgashay tukashada salaadda jinaasadda ee marxuum Nuur Faarax waxaa ka mid ahaa wasiirro iyo wefdigii Turkiga ka socday ee saaka soo gaadhay Muqdisho, waxaana salaadda lagaga Tukaday masjidka madaxtooyada
Allaha u naxariistee wasiir Nuur Faarax,ayay madaxda iyo dadweynaha ka qayb galay aaska jinaasaddiisu ku sifeeyeen n uu ahaa nin ogsoon in ay maalintani imanayso oo ALLE ka cabsi badan waxaanay ALLE uga baryeen in uu dambigisa dhaafo oo uu u naxariisto.
Haddaba halkan ka daawo aaska qaran ee lagu sagoojiyay Wasiirkii hore ee Dekedaha Marxuum Nuur Faarax.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland