Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,ayaa ka hadlay arrin maalmihii ugu dambeeyay dadweynaha reer Hargeysa ay aad u hadal hayeen oo ahaa dhallinyaro reer Somaliland ah oo magaalada Hargeysa ku soo bandhigay wax ay ugu yeedheen xasayaysiis dhar laakiin dadweynuhu aragtiyo badan ka bixiyeen isla markaana ku macneeyeen in ay tahay tallaabo aan wanaagsanayn.
Bulshada reer Hargeysa oo ka hadlay tallaabooyinka dhallinyaradani ay ku kaceen ayaa sheegay in ay yihiin waxay sameeyeen mid ka baxsan dhaqanka Islaamka isla markaana ah wax cid kale dabada ka wado oo aan ahayn xayaysiis dhar.
Dhallinyaradan ayuaa soo bandhigay wax lagu sheegay xayaysiis dhar laakiin aanay jirin shirkado ama ganacsato dhar xayaysiinaysay oo goobta ka muuqatay waxa keliya ee la arkayna wuxuu ahaa wiilal waxa loo yaqaan Fashion Stile-ka ee dadka dharka xayaysiiya lagu daawado muuqaalo u eg
Haddaba Wasiirka Diinta oo arrimahaa ka hadlayaan waxaa uu ka yidhi halkan ka daawo.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland