Macalin Maalintii Labaa u Xidhan Madaxweyne Siilaanyo oo ay Sadex Magac wadaagaan

0
414

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Macalin Axmed Maxamed Maxamuud  oo ah maamule ku-xigeenka dugsiga sare ee wiilasha ee Isguulada Nuuradiin,ayaa maalintii labaad u xidhan ciidanka booliska ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu foojari gareeyay Magaca Maaxweynaha Somaliland.

Maamulaha guud ee dugsiyada Nuuradiin Mahad oo  ka hadlay xadhiga Macalinka ayaa sheegay in maamulaha la xidhay magiciisu yahay Axmed Maxamed Maxamuud isla markaana xilliyadii halgankii dib u xorraynta Somaliland dadku ugu dareen naanaysta ah Siilaanyo taasoo uu sheegay in ay ugu bixiyeen guddoomiyihii halganka ee xilligaas oo ah Madaxweynaha maanta ee Somaliland jacayl ay u qabeen.

Waxaa  kale oo isna ka hadlay xadhiga Macalinka Taliyaha booliska oo sheegay in macalinku foojari gareeyay magaca Madaxwaynaha isla markii la ogaadayna uu bedelay.

Haddaba halkan ka daawo.